Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay weerar dhabbo-gal ah oo jihaadiyiinta Al-Shabaab ay labo maalin ka hor la beegsadeen ciidamada Kenya.
Kamiinkan oo khasaare culus geystay ayaa ciidamada Kenya loogu dhigay inta u dhaxaysa deggaanka Sheekh Xasan iyo Xayleey ee gobolka Gaarisa ee hoos-jira gumaysiga Kenya.
Sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo ay SOMALIMEMO heshay, ugu yaraan 23 askari oo Kenyaati ah, midkood-na ahaa sarkaal, ayaa lagu dilay weerarkaasi.
Waxa kale oo sida ay xogtu xaqiijisay hawl-galkan lagu dhaawacay ugu yaraan 5 askari oo Kenyaati ah, halka gaari ciidan oo noociisu ahaa Kooyal lagu gubay weerarkaasi.
Dhinaca kale warbaahinta Kenya ayaa si weyn uga hadashay weerarkan, iyadoo wargeyska The Star uu sheegay, in dagaalyahanno ku hubaysan qoryo ay ka mid yihiin RPG-ga ay fuliyeen weerarkan.
Ciidamada Kenya ayuu wargeysku xusay in la beegsaday iyagoo gelinkii dambe ee maalinnimadii Sabtida ku gudo-jira roondooyin dhinaca amniga ah.
Sidoo kale wargeysku waxa uu sheegay in gelinkii hore ee isla Sabtidii dagaalyahannada Al-Shabaab ay weerareen xero ciidamada Kenya ku leeyihiin deggaan dhaca gobolka Lamu oo iska ka tirsan dhulka Kenya ay xoogga ku haysato.
Sida ay sheegeen saraakiil Kenyaati ah, weerarkan ayaa dhacay kaddib markii dagaalyahannadu ay abbaaro barqadii dhinaca bari kasoo weerareen xerada.
Sida warbixintu ay sheegtay, dagaalyahannada ayaa weerarkaasi ku daah-furay laba baalooto oo RPG ah, kadib-na rasaas xooggan ayay oodda kaga qaadeen xeradii ciidanka.
Hawl-galladan ayuu wargeysku sheegay inay yihin kuwii ugu dambeeyay weerarro si taxane ah muddooyinkan dambe uga dhacayay gobolkaasi.
Ciidamada Kenya iyo xerooyinka ay ku leeyihiin gobolka ayuu wargeysku sheegay in ay yihiin bartilmaameedyada ay sida gaarka ah u beegsadaan jihaadiyiintu.
Weerarradan ayuu sidoo kale wargeysku sheegay, inay kusoo aadayaan xilli walaacyo amni oo joogto ah uu hareeyey ciidamada Kenya eeka hawl-gala gobollada ku hoos-jira gumaysiga Kenya.
